U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyay Dhallinyaradii Ku Dhimatay Doontii Ku Degtay Badda u Dhaxeysa Masar Iyo Liibiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsiu u diray qoysaskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo doon ay la qalibantey xilli ay ku sii jeedeen qaaradda Yurub.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajiicuun. Waa geeri xanuun badan oo ina wada taabatey. Dhalinyaradaasi waxay ka baxeen Soomaaliya oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shilkan naxdinta badan uu muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta la xiriirta ka hortagga tahriibka iyo safarada khatarta ah.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in wallow dalka ay ka jiraan duruufo adag, haddana loo baahan yahay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waalidiinta iyo dowladda ay ka wada shaqeeyaan sidii loo baajin lahaa safaradan khatarta ah ee dhalinyaradeena ay ku le’anayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhalinyarada.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey marxuumiinta dhimatey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoysaskii iyo eheladii ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo –Aaamiin.

————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya