U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Qaatay Dhiggiisa Dalka Shiinaha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankii gaarka ahaa ee uu xaley magaalada Johannesburg kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hoggaamiyaha Shiinaha uu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaha dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal.

“Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo badan oo kala qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo abuurista fursado maalgashi. Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaya inay Shiinaha oo awalba uu xiriir qota dheer inooga dhexeeyay aan isku afgaraney inaan iskaashigeena xoojino. Gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah iyo dhammaan muwaadiniinta Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa ka faa’ideysan doona mashaariicda uu Shiinuhu dalkeena ka fulin doono”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Shiinaha uu mashaariic badan oo waxtar leh ka fuliyay qaaradda Afrika, isla markaana ay Soomaaliya baahi u qabto mashaariicda noocaasi ah, iyadoo weliba uu waddankeena leeyaha kheyraad farabadan oo uu caalamka kula tartami karo.

“Waddankeena caalamka intiisa badan ayaa daneynayaa oo doonaya inay wax nala qabtaan. Aan noqono ummad mid ah, isku duuban, diyaarna u ah inay dhisato Soomaaliya cusub oo nabad ah iyo, barwaaqo ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqey inay nabadda iyo xasiloonida ka shaqeeyaan, taasina ay keeni karto inaan si wanaagsan uga faa’ideysano kheyraadkeena.

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika uga qeybgalayo Shir Madaxeedka Iskaashiga qaaradda Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo shalay furmay ayaa la filayaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Xaley waxaa uu Madaxweynaha ka qeybgaley xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Jamhuriyadda Koonfuur Afrika u sameeyay hoggaamiyeyaasha ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

— DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada