U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kormeeray Ciidamo Ku sugan Duleedka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray xerada ciidanka xoogga dalka ee duleedka Kismaayo isagoo sidoo kale halkaas kula hadlay ciidamo dhameystay tababar ciidan.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Xasan Sheekh ayaa ciidanka waxa uu ku dhiirageliyey diyaar-garowga ay u galeen in ay dalka difaacaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladdu ay xog ogaal u tahay xaaladda ay ciidanku ku sugan yihiin, waxa uu intaa raaciyey in lagu dadaali doonno dhammeystirka baahida ciidanka dhan walba iyadoo la eegayo awoodda dowladoodu  leedahay, laakiin ahmiyadda koobaad la siin doono ciidammada Qalabk Sida.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidammada, ayaa kormeer kale ugu tagay ciidammo cusub oo uu tababar uga socda isla duleedka magaalada Kismaayo, madaxweynaha ayaana hadal kooban oo dardaaran iyo dhiiragelin ah u jeediyey ciidankaasi.

dfddddddddd ciidand