U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Baaqay In Aan Galmudug Dib Loo Celin

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dadka reer Galmudug aan dib loogu celin dhibatooyinkii ay soo mareen.

Madaxweyne Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Galmudug ay soo martay xilli ay lahayd maamulo is bar baryaacaya balse waqtigaas lagu xaliyay wadaxaajood iyo isu tanaasul.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka, siyaasiyiinta iyo madaxda beelaha in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul si loo helo Galmudug mideysan oo leh hoggaan lawada doortay.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa madaxda dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Galmudug iyo hoggaamiyayaasha beelaha in la muujiyo dulqaad iyo tanasul si loo heli Galmudug mideysan oo leh hoggaan la wada doortay, si dhammaan dadka reer Galmudug ugu wada guntadaan iney xoreeyaan degaannada ku harsan gacanta nabaddiidka ugana faa’iidaystaan Fursadaha faraha badan ee ka jira degaannadooda” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in ay garab siin doonaan Galmudug waxa uuna ku taliyay in xalka la dajiyo islamarkaana laga fiirsado hadalada iyo ficilada aan waxba soo kordhinayn.

“Waxaan dardaarmeynaa oo aan diyaar u nahay inaan gacan ka gaysanno xalka. Waxaan ku talinayaa in la dejiyo xaaladda oo aan la degdegin la iskana ilaaliyo hadallada iyo ficillada aan xalka wax ku soo kordhineyn” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaalada siyaasadeed ee maamulka Galmudug ayaa ah mid qasan ka dib markii maamulkaasi uu yeeshay seddex baarlamaan iyo laba madaxweyne.

Goobjoog News