U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Kismaayo Iyo Wasiiro Halkaasi Kaga Sii hormaray

Sheeko:Dalka

KismaayoMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale saaka halkaasi ay gaareen xubno ka mid ah wasiirada dowladda.

Amaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan lagu arkayaa ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo amiga aad u xoojiyay, islamarkaana wado walba taagan.

Magaalada waxaa gaaray xubno uu ka mid yahay Xuseen Cabdi Xalane oo ah siihayaha xilka wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya.

Safarkaan madaxweynaha uu ku tagayo maanta magaalada Kismaayo ayaa ah mid aan horay loo sii shaacin, waxaana tani ay imaanaysaa xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale