U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxa ay ka amba baxeen magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda degmada Cadaado.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona caleema saarka madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, taasi oo maanta ka dhacaysa magaaladaasi.

Ammaanka guud ee degmada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo sidoo kale loo diyaar garoobay soo dhaweynta madaxweynaha.

Magaalada Cadaado ayaa shalay illaa iyo maanta waxaa ku qulqulayay mas’uuliyiin badan, kuwaasi oo ka qeybgali doona caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News