U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Philippe Lazzarini (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Lazzarini hawshii wanaagsaneyd ee uu ka fuliyey Soomaaliya iyo sida uu mar walba beesha caalamka sida saxda ah ugu tebinayey xaaladaha iyo baahida ay qabaan shacabka.

“Aad baan kaaga mahadnaqayaa inaad khibraddaada iyo shaqadaada wanaagsan u hurto Soomaaliya. Wax badan way inoo qabsoomeen, balse waxan haatan beesha caalamka ka dalbaneynaa inay horumariyaan kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo gacan weyn ka geysan kara in dadku isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan kaalmada’’.

Mr. Lazzarini, oo sidoo kale ahaa Xiriiriyaha Kaalmada Bani’aadminimo ee Soomaaliya, ayaa isna ka mahadceliyey wadashaqeynta loo muujiyey muddadii uu dalka joogay.

‘’Waxay ii ahayd sharaf weyn inaan Soomaaliya ka hawlgalo, iskaashi wanaagsan ayaana la ii muujiyey. Waxan qirayaa in Soomaaliya ay horumar wanaagsan ku talaabsatey, anigoo raejynayaa in horumarkaasi sii socdo. Waxa kale oo aan beesha caalamka ugu baaqayaa inay Soomaaliya ka haqabtirto baahiyadeeda si mar kale uu dalku cagahiisa isu taago’’.

Kulankaasi ayaa waxaa kale oo looga hadley mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, horumarka dhismaha maamullada gobollada, Hiigsiga 2016 iyo hawlaha kale ee la xiriira dowlad dhisidda iyo nabadda.

Gabagabadii kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu haddiyad guddoonsiiyey Mr Lazzarini.

Mr Lazzarini ayaa la filayaa inuu dhowaan ka hawlgalo dalka Lubnaan halkaas oo uu ka noqon doono Xiriiriyaha Kaalmada Aadminimo ee Qaramada Midoobay.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

X7 X6 X4 X3 X2 X1