U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan Mudane Cumar Xasan al-Bashiir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Al Bashiir guushii uu ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkan Sudan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Sudan. sidoo kale labadda hoggaamiye ayaa ka wadahadley xaaladaha labada dal, iyadoo Madaxweynaha Sudan uu ballan-qaaday kordhinta tageeradda dhinacyadda kala duwan ee dowladdiisu siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Sudan sida ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-