U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Maraykanka, ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda dalka Maraykanka Mudane Antony Blinken.

Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Blinken arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhaqaalaha, taageeriyadda horumarka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, kala hadlay sidii dowladda Maraykanka, ay garab uga siin lahayd Soomaaliya ka hortagga macluusha iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab.

Dhinaca kale Antony Blinken, ayaa dhankiisa adkeeyay sida ay dowladdooda uga go’antahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada