U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Hor tagaya Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hor tagaya xubnaha Baarlamaanka Dalka .

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Sabtidii shalay ahayd Sheegay in Madaxweynuhu uu maanta codsaday in la isugu yimaaddo kulan uu kula hadli doono madaxweynaha xubaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan ayaan la ogeyn waxa uu kala hadlayo xubnaha Baarlamaanka iyo xaaladda cusub ee taagan, laakiin waxaa la filayaa in madaxweynuhu ku dhiirigaliyo Xildhibaanada Baarlamaanka inuu ku tartarsiiyo dardar- gelinta howlaha ballaaran ee horyaalla xubnaha iyadoo waliba dhawaan 26 Octoober la filayo iney xubnaha baarlaamku galaan fasax hal bil ah oo ka gaaban kii horey u qorsheysnaa oo gaarayay ilaa laba bilood.

Goobjoog News