U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magaalada Khartuum Kula Kulmaya Dhiggiisa Sudan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Sudan ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo dhiggiisa dalkaasi Cumar Xasan Albashiir

Madaxweynahe Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Sudan, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa xarunta Madaxtooyada ee Sudan xalay loogu sameeyay kulan casho ah, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Labada dowladood, sida mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan iyo Diblomaasiyiin kale.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in kulan ay wada qaataan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka iyo sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadda Afrika ee dalka Sudan ku taalla, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen marka ay waxbarashada u soo dhamaato dib u dhiska dalkooda.

Goobjoog News