U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Puntland Ku Bogaadiyey Qaadashada Nidaam Beeleedka 4.5

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu bogaadinayaa dadaalka dheer ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo dowladda Puntland u galeen horumarinta danta Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu si diirran u soo dhoweynayaa oggolaanshaha ay dowladda Puntland ku oggolaatey qaabka doorashooyinka 2016 iyo wixii ka dambeeya.

Sidoo kale qabyo-qoraalka heshiiska laga wada hadlay waa dadaal dheeri ah, waxaana ku jira qodobbo aad muhiim u ah, oo ay habboon tahay in looga wada hadlo loogana heshiiyo madallada jira sida tan hoggaamiyayaasha qaran (NLF) ee dhawaan dhici doonta iyo hay’adaha dastuuriga.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u mahad celinayaa dhammaan beesha caalamka , shacabka, isimada, waxgaradka iyo ururrada bulshada dadaalka ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba, iyo beesha caalamka iney u gargaaraan dadka ay saameysay abaaraha ka jira Soomaaliya.

———–DHAMMAAD———–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya