U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Baaritaan Lagu Sameyn Doono Weerarkii Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaadey xarun ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso.

‘’Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku saabsan sida weerarkan u dhacay.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in dowladda ay xoogga saari doonto adkeynta xeryaha lagu tababarayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xerada weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ka socdey tababar qeyb ka ah barnaamijka heerka qaranka ee isku dhafka ciidammada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada