U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Sanadkaan Uu Yahay Midkii Lagula Dagaalamayay Musuq Maasuqa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkaan uu yahay kii lagula dagaalami lahaa Musuq maasuqa iyo sidoo kale ku takri falka hantida dadweynaha.

Xilli uu madaxweynaha hadal ka jeedinaaya munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu xusayay Aas aaska ciidamada Nabad sugidda, ayaa madaxweynaha waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadlay arimaha Musuq maasuqa.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Xasan in wixii xilligaan ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin musuqa iyo sidoo kale ku takri galka hantida dadweynaha, isaga oo sheegay in cid walba lala xisaabtamayo.

“Sanadkan waa sanadkii la dagaalanka musuq maasuqa, wax dulqaad ah oo loo yeelanayo ma jirto, sanadkan 2015 lama ogolaan doono ku takri fal hantida qaranka, hadii ay dhul ahaan laheyd, ku takri fal xafiisyada dowladda iyo shaqaalaha” Madaxweynaha ayaa hadalkaasi yiri.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo hadal qaaday arinta ku aadan shaqaalaha rayidka, waxaana uu sheegay in shaqooyinka dadka loo siinayo qaab tar tan furan ah, hase ahaatee aanu jiri doonin nin jeclaysi ama wax la mid ah.

Ugu dambeyn waxa sheegay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in sanadkaan loo tartamayo shaqaalaha dowladda oo aysan dhici doonin dad si gaar ah loo keensaday ama wax la mid ah.

Goobjoog News