U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Telefan Kula Hadlay Amiirka Qatar

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegtay wakaallada wararka ee Qatar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa xalay waxaa uu Telefan u diray Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Wakaaladda waxaa ay intaa ku dartay in labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha xiriirka labada dal iyo sidii loo hor-u-marin lahaa.

Madxweyne Xasan Sheekh iyo Tamiim waxaa kaloo lagu waramayaa in ay isdhaafsadeen arrimo kale oo la xiriira danaha labada dal.

Xiriirka Xasan Sheekh uu la sameeyay Amiirka Qatar Tamiim waxaa uu imaanayaa maalmo uun ka mid markii dowladda Imaaraadka ay wacdey hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, Imaaraadka waxaa uu kooxdan kala Hadley arrimo la xiriira doorashada 2016-ka.