U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Donald J Trump

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald J Trump.

Xasan Sheekh waxaa hadalkiisa ku biilaby

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka ah iyo shacabka, waxaan u hambalyeynayaa Donald J Trump guusha loogu doortay madaxtinimada dalka Mareykanka, Soomaaliya waxaa ay xushmeyneysaa in wada xiriirkeena uu muhiim u yahay nabadgalyada geeska Afrika”.

Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata waxaa uu leeyahay“Soomalaiya waxaa ay rajeyneysaa in labada dal ay horey u sii wadaan arrimaha lagu hor-marinayo Nabadgalyada, xasiloonida iyo hor-u-marka Soomaaliya iyo geeska Afrika”.

Ugu dambeyntii waxaa uu Xasan Sheekh“Waxaan dowladda Mareykanka iyo shacabka ugu mahadcelineynaa taageerada ay siiyaan umadda Soomaaliyeed”.