U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga Ka Jaray Dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha baarlamaanka Aqalka Sare ee magaalada Muqdisho.

Kulankan xariigga looga jaray xarunta ayaa waxaa kasoo qeybgalay  Madaxweyne Xasan Sheekh, xubanaha Aqalka Sare, Safiirka dalka Turkiga Olga Baker iyo weliba shirkadda dhismaha ka howlgashay ee Tika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafladda furitaanka dhismaha ka hadlay ayaa sheegay in dhismahani uu yahay mid ku meel gaar ah laakiin uu jiri doono dhisme si wada jir ah loogu diyaarinayo Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya:

“Guud ahaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya daar uu leeyahay oo labadan aqalba ay ku kulan san yihiin ayaa mustaqbalka dhaw dhismi doonta, inta gurigaasi uu ka dhamaanayo, ayaa halkan aqalka sare ee Baarlmaanka federaalku sii isticmaali doonaa, kadibna waxay dib ugu noqon doontaa xarunteedii waxbarasho ee awalba loogu talogalay”.

Waxa uu madaxweynuhu aad u ammaanay dowladda Turkiga oo suurogalisay dhismahan casiriga ah ee agabkiisu uu dhameyska tiran yahay:

“Adeegyada casriga ah ee uu gurigani leeyahay waan soo wada aragnay runtii, hadday tahay hool shirar, hadday tahay guddiyadii kale meeshii ay howshooda ku qabsan lahaayeen, hadday tahayLibrary-gii hadday hadday tahay wixii uu baarlamaan lahaan lahaa oo dhan meeshan wey ku dhan tahay, waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu mahadceliyo dowladda Turkiga iyo shacabka reer Turkiya oo mar kasta garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed oo intii muddo ahba ku garb taagnaa sidii ay dib u soo kaban lahaayeen”.

Maxamed Xuseen Raage oo ah guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare ayaa Goobjoog News u sheegey in aanu aqalka shiri doonin ilaa inta laga dhameystirayo xubnaha aqalka sare ee gobollada waqooyi.

Dowladda Turkiga ayaa dhismahan si KMG ugu deeqdey aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News