U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xeer Madaxweyne ku baabi’iyay guddiyada Adeegga Garsoorka iyo La Dagaalanka Musuqmasuqa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gebi ahaanba baabi’iyay xeer golaha adeegga garsoorka iyo guddiga madaxbanaan ee la dagaalanka musuqmasuqa.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in isaga oo ka duulayo go’aanka aqalka sare ee ku aaddan in dhismaha labadaan guddi aan loo marin habraaci saxda ahaa ee loogu talagalay dhismahooda uu xeer madaxweyne ku baabi’iyay xeerkii uu horay u meel mariyay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baabi’inta labadaan guddi ay ku timid ahmiyadda ay u leeyihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo sida loo dhisay oo aan loo marin habkii sharciga ahaa.

“Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.
Xeerkaan madaxweyne ayaa sidoo kale lagu sheegay in uu baabi’iyay sidoo kale dhammaan go’aamadii ay gaareen guddiyadaan intii ay jireen.
“Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

 Xeerkaan ayaana dhaqan galaya maanta oo Axad ah taariikhuda ay tahay 09 October 2022, sida lagu sheegay warka ka soo xafiiska madaxweynaha.
” Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.
Goobjoog News