U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Shacabka Soomaaliyeed Iyo Beesha Caalamka Waxaan Leeyahay Walwalka iyo Walbahaarka Meeshaan Haku Haro” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

xasan shMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaabkii maanta Kalsoonida loogala laabtay Xukuumada uu hogaaminaayay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in si deganaansho ay ku jirto u guteen waajibkooda Dastuuriga ahaa.

Xukuumada talada sii baneynaysa ayuu sidoo kale ugu hambalyeeyay shaqooyinkii ay qabteen mudadii ay shaqeynayeen, isaga oo tilmaamay in dadaal badan ay soo muujiyeen.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed maanta inaan ugu Hambalyeeyo una cadeeyo inay leeyihiin dowlad hana qaaday dhisantay ku shaqeynayso qaabka Dimuqraadiga ah, oo aduunyadu Baarlmaanadeedu iyo dowladaheeda ku shaqeeyaan, waa taariikh cusub oo Soomaaliya u sameysmaysa, Soomaaliya wey kasoo gudubtay dagaalkii iyo Fowdadii, waxay maraysaa meel hay’adaheeda dowladnimadu ay si buuxdo u shaqeynayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyay in uu jiray kala aragti duwanaansho isaga iyo Ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena waxa uu sheegay in waxa lagu kala aragti duwanaa kaliya ay tahay shaqo, Baarlamaanka ay kala saareen.

Dhina kale Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta uu furmayo Cutub cusub, islamarkaana uu soo dhisayo xukuumada loo wada dhan yahay, isaga oo shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in marnaba aysan imaan doonin xukuumad urur, shaqsi ama wax la mid ah ku kooban.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba in ay wal walka iyo Walbahaarka maanta ay iska reebaan, isaga oo wal walka beesha caalamkana ku micneeyay in uu yahay cabsi ay ka qabeen in Soomaalida dhexdeeda wax ka halaabaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha.

Goobjoog News