U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Siyaasadda Soomaaliya Waxay Ku Dhisan Tahay Inay Iskaashi Wanaagsan La Yeelato Dalalka Deriska”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Maj General (Rtd) Lucas Kyonze Tumbo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo abuurista jawi saaxiibtinimo, derisnimo wanaag iyo iskaashi dhan kasta leh oo dan u ah shacabka labada waddan.

‘’Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska.Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa Kenya qaxooti ahaan iyo ganacsiba u tegay, waxayna taasi muujineysaa sida labada shacab ay mar walba isugu baahan yihiin. Waana ka mahad celineynaa sida Kenya ay inoo garab taagan tahay mar kasta’’.

Danjiraha Kenya Mr Tumbo, ayaa isna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dowladdiisa ay Soomaaliya u arkaan saaxiib muhiim oo siyaasadda iyo amniga gobolka door weyn ka qaadan karta, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wax wada qabsi waxtar leh.

“Kenya waxay mar walba u taagan tahay inay Soomaaliya gacan siiso ha noqoto dhinacyada amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga, iskaashiga dhaqaale iyo wax walba oo dan u ah labada shacab’’, ayuu yiri Danjire Lucas Kyonze Tumbo.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey labada dal.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

D5 D4 D3 D2 D1