U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo waqti kordhin u sameeyay cafiska dowladda ee Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad la sheegay in lagu weyneynayo guulihii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka gaareyn howlgalka Badweynta Hindiya.

Munaasabadaan waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Taliyaha ciidamada AMISOM.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya sida abaanduulaha ciidamada oo faah faahin kabixiyay qaabkii ay ula dagaalameyn Al-shabaab iyo waxyaabihii ay ku guuleesteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dhalinyarada ka midka ah Al-shabaab ay waqti dheeraad ah siiyeen , si inta dhiman ay uga faa’ideysato.

Waxa uu tilmaamay Xasan Sheekh in muddo Lixdan cisho ah ay ugu kordhiyeen waqtigii hore ee la siiyay dhalinyarada Al-shabaab si ay dowladda isugu soo dhiibaan.

Dhanka kale mar uu madaxweynaha ka hadlay daryeelka ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in xilli walba ay ka war hayn doonaan, ciidamadana ay yihiin kuwo dalka habeen iyo maalin ugu taagan inay difaacaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Khudbadda Madaxweynaha.

Goobjoog News