U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Waxaa i ga go’an in aan dib loo gu laaban teendhadii Afisyooni”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dawladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa sheegay in doorashada soo aadan aan lagu laaban doonin Afisyooni.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashada ka shaqeynteeda ay ay bilaabi doonaan sanadkaan 2023, taas oo uu sheegay in looga golleeyahay inaan waqtiga doorashada isqabsi imaanin, laakiin meesha kama saarin in loo baahan yahay wadashaqeynta dawladda iyo dawlad goboleedyada si looga gaaro hadafka doorasho qof iyo cod.

“Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dawladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka. Dadkii Hoolka dadka ku dooran lahaana waa in aysan u laaban Jufo hebeley wakiilladiina keena, waa ku talo jirnaa qorshe cad ayaa dawladda uga degan” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ayaa 10-kii September 2012 maalinimo Isniin ah waxaa lagu doortay Teendhada Afisyooni, waxaa na  xildhibaannadii doortay soo xulay odayaal dhaqameedyo, taas oo aheyd nimaad ay ku heshiiyeen saamileyda siyaasadda dalka xilligaas talinaysay.

Doorashadii xigtay ayaa markale waxaa la isugu tagay doorashadii 2017 8-dii February, markaas oo la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xilligaas doorashada Xildhibaannada lagu soo xulay ergo ka kooban 51, kuwaas oo markale Teendhada Afisyooni ku doortay madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii uu xilka ku wareejiyay, isaga oo markale dib loo soo doortay, waxaana doorashadii madaxweynaha 15-kii May 2022, xildhibaannadii doortay soo xulay Ergo ka kooban 100 xubnood, kuwaas oo 50 ka badan tii ka horeysay. iyadoo Afisyooni lagu soo khatimay.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay inaan dib loogu laaban teendhadii sedexda xilli lagu doortay madaxda dalka, waxaana sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in ay muhiim tahay wadashaqeynta madaxda dawladda iyo sidoo kale dawlad goboleedyada.