U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka  ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe,

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si diirran u soo dhoweeyay dadweynaha degmada Cadale oo ay horkacayaan Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen.Iyo Guddoomiyaha Degmada Cadale Muxuddiin Suudi Macallin Cali.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah dadweynaha kula shiray waxaa uu warbixin ka dhegeysteen mas’uuliyiinta dowladda ee degmada iyo Gobolka, ka hor inta aanay u warbixin odayaasha dhaqanka ee degmada Cadale.

Madaxweynaha oo dadweynaha kula hadlay fagaaraha showrida ee degmada Cadale, waxaa uu kula dardaarmay in ay nabadda hantaan gacanna siiyaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka AMISOM. Wuxuu ku boorriyaya in kheyraadka dabiiciga ah ee degmada siiba kan badda laga faa’iideysto. Wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in wiilasha Shabaab ka tirsan hadday ka tanaasulaan mabaaddii’da Shabaab loo baahan yahay in la soo dhoweeyo oo aan lagala hor imaan gocosho waxyaabo hore u dhacay.

Madaxweynuhu wuxuu kulan gooni ah la qaatay saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee aaggaas, wuxuuna ku boorriyay in shacabka laga xoreeyo Shabaab, loona gargaaro oo la dhowro xuquuqdooda si loo hanto kalsoonidooda.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu socod ku dhex maray suuqa magaalada iyo xeebta isaga oo la fariistay lana sheekeystay qaar ka mid ah ganacsatada wadooyinka wax ku iibiya.

Cadale waxaa al Shabaab laga saaray kowdii bishan Oktoobar oo maanta toban ah.