U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Guddoomiyay Shirka Dhaqaalaha Qaranka

Sheeko:Amniga
Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,iyadoo ay ka qeyb galeenxubno kale duwan.
Shirka ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada.
1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.
2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka.
4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060.
5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga.
6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.
8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan).
Goobjoog News