U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Tababar Uganda Ugu Soo Xiray Cutubyo Ka Tirsan Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya ciidamada qalabka side ee Soomaaliyeed oo muddo lagu diyaarinayey dalkaas.
Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga saarayo Al-shabaab.
Cutubyada  ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey in uu dul istaago nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladaha Uganda taageerada naf hurnimada leh ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayuu sigaar ah uga mahadceliyey bixinta qarashaka ku baxay tababarka ciidanka.
Goobjoog News