U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan ‘’Soomaaliya Dib Ayey Uga Soo Kabaneysaa Waayihii Mugdiga Ee Colaadda Iyo Dagaallada Sokeeye”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka socdey magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku xusey muhimadda iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfuur America, oo uu sheegay in loo baahan yahay in sare loo sii qaado.

“Iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America waa mid muhiim ah oo waxtar leh, kaas oo ku saleysan aragti mid ah, wadajirka labada dhinaca iyo horumarinta ganacsiga. Ujeeddada aan maanta halkan isugu nimid maahan oo keliya inaan muujino adkeynta iyo sare u qaadista iskaashigeena istaraatijiyadeed, balse waxaan dhanka kale dooneynaa inaan caalamka tusno in xiriirka iskaashi ee inaga dhexeeya uu yahay mid adag oo runta ku dhisan, si ficliyan ahina loo arki karo. Waxaan qirayaa inaan ku tallaabsaney horumar la taaban karo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo la dagaalanka argagixisada, taana waa guul u soo hoyatey Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfuurta America’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Koonfuur America u sharaxay xaaladda Soomaaliya iyo doorka waddanku uu ku yeelan karo iskaashiga caalamiga.

‘’Soomaaliya dib ayay uga soo kabaneyssaa waayihii mugdiga ee colaadda iyo dagaalada sokeeye. Waxaan horumar la taaban karo ka sameyney nabadeynta iyo xasiloonida, maamul wanaagga, iyo abuurista hannaan si hufan loogu maareeyo dhaqaalaha dalka. Dhaqaalaheena waxaa uu sameynayaa horumar. Waxaa la filayaa in waqtiyada dhow ee soo socda aan gaarno horumar dhaqaale oo ka ballaaran kan aan haatan haysano. Dhaqaalaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya waa mid door weyn ku leh waddankeena. Waxaana xusid mudan in dalalka aan ganacsiga wadaagno ay ku jiraan kuwa Koonfuur America, haddii aan tusaale u soo qaatana 9% badeecadaha aan dibedda ka keensano waxay inooga yimaadaan Brazil”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha khudbadiisa ku sheegay in Jaamacadda Carabta iyo dalalka Koonfuur America oo ku najaxa iskaashigooda ay ka dhigan tahay horumar caalamka uu gaarey, loona baahan yahay in laga shaqeeyo dhinacyo kale oo badan oo labada gobol ay iska kaashan karaan.

Shir Madaxeedka 4-aad ee Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America oo socdey muddo laba maalmood ah (10-ka ilaa 11-ka bishan November), ayaa si rasmi ah galabnimadii Arbacada soo xirmey, waxaana laga soo saarey war murtiyeed qeexaya xoojinta iskaashiga labada dhinac.

– DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya