U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “Waxaa Naga go’an Fulinta Qodobada Muhiimka Ah Ee Ku Xusan War-murtiyeedka Madasha’’

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo magaalada Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 10-ka ilaa 12-ka bishan April ee sannadka 2016.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horray u dhaqaaqday, kulankan intii uu socdayna ay madaxda muujiyeen dulqaad, tanaasul iyo rabitaan la xiriira in Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadkan.

“Waxaan anigoo ku hadlaya magaca dhammaan hoggaamiyeyaasha ku jira madashan aan soo dhoweynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay shirkeenii saddexda maalmood socday. ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedkan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in si tartib tartiib ah waddanka loogu diyaarinayo inay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo sida war-murtiyeedka ka muuqdana ay ku dhowaad 14,000 oo qof ka qeyb qaadanayaan xulista xubnaha baarlamaanka soo socda.

“Waxaan filayaa in doorashada soo socota ee 2020-ka ay malaayiin qof codkooda dhiiban doonaan, markaas oo aan ku rajo weynahay inaan qaban doono doorashooyin dimoqraadiyadeed oo toos ah. Sannadkan ayay ahayd inaan shacabka u horseedno qabsoomidda doorashooyin toos ah, laakiin duruufo jira awgood ayaan dib ugu heshiinay inaan nidaamka beelaha ee 4.5 wax ku qeybsano’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey beesha caalamka taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, waxaana uu xusuusiyay in waqtiga uu aad muhiim u yahay, muddada la haysto oo yar awgeedna ay dar-dar geliyaan taageerada ay bixiyaan si ay u fududadaan hawlaha doorashada sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha ka hor waxaa munaasabadda xiritaanka madasha ka hadley Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Raisedon Zenenga, iyo Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, waxayna labaduba ku bogaadiyeen madaxda Soomaaliyeed tallaabadan muhiimka ah ee ay horray u qaadeen, iyagoo dhanka kalena ballanqaaday taageero buuxda ee hannaanka siyaasadda ee dalka.

————————– DHAMMAAD———————-————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya