U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan: Waxaan Idiin Kugu Bishaareynayaa In Dhowaan Lasoo Afjarayo Argagaxisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhowaan soo afjari doonto waxa loogu yeero argagaxisada.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha mar uu ka hadlayey qaraxyadii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ka geysteen magaalada Gaalkacyo in marnaba aanay dowladda joojin doonin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda meello ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay sheegatay mas’uuliyadda Labo qarax oo ka dhacay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo halkaasi oo waxyeellada ugu badan ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Goobjoog News