U bood dhigaalka

Madaxweyne Xassan Sheekh oo Ka Qeybgalaya Caleemo-Saarka Shariif Xassan

Sheeko:Dalka

Xassan SheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan  magaalada Baydhabo halkaasi oo uu kaga qeybgalayo xaflad caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya iyada oo wafuud kala duwan oo gobolada dalka ka tagaya ay kusii qulqulayaan magaalada Baydhabo si ay oga qeybgalaan Caleemo-Saarka Shariif Xassan.

Shariif Xassan ayaa loo doortey madaxweynaha Koonfur Galbeed 17-kii bishii Nofeember, waxaana doorashadiisa si isku mid ah u aqoonsaday dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo maamul goboleedyada, waxayna tani dhacday xili wali aanan laga heshiinin khilaafkii kala dhaxeeyey maamulka lixda gobol ee Madoobe Nuunoow.

Goobjoog News