U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Oo Geeriyooday

Sheeko:Caalamka

Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya Daniel Arab Mio ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey lagu baxnaaninayey xaaladiisa caafimaad.

Madaxweyne Daniel Arab Mio ayaa geeriyooday isaga oo 95 jir , waxaana uu ahaa madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee soo xukumay dalkaasi, kuna soo rogay sharciyo iyo siyaasado adag intii u dhaxeysay sanadkii 1978-2002dii.

Geerida madaxweyne Mio oo shacabka saakay looga soo yeeriyey Isbitaalka ayaa si weyn looga dareemay wadanka, waxaana lagu dhawaaqay in calanka hoos loo dhigo maalmana Baroodiiq loo sameeyo.

Madaxweynaha wadanka Kenya hadda talada haya Uhuru Kenyatta ayaa  sheeg in geerida Mio ay tahay wax aad looga murgo waxaana uu yiri”  waa murugo weyn waa xanuun inaan sheego geerida nin weyn oo Afrika ka tagay oo magaciisu yahay Daniel Arab Moi, ahaana madaxweynihii labad ee Jamhuuriyadda wadanka Kenya, waxaana saakay uu ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Nairobi , 4-ta February 2020.

Madaxweyne Daniel Arab Mio ayaa dhashay 2-dii bishii Setember ee sanadkii 1924, waxaana uu ka soo jeedaa Qoomiyadda Kulenjinta ee dagta galbeedka wadanka Kenya xilka madaxweyne ku-xigeenka ayuu qabtay sanadkii 1967-dii.

Kadib dhimashadii madaxweynihii koowaad ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxay Moi u ahayd guul siyaasadeed oo uu gaaray, maadama xiligaas ay jireen siyaasiyiin kale oo ku ag hareereysnaa Kenyatta, kuwaas oo uu hanqal taagayay in ay xukunka qabtaan.

Sannadkii 1978, waxaa Moi loo dhaariyay xilka madaxtinimada, waxaana Kenya uu maamulayay tan iyo 2002-dii.

Moi waxaa uu ka tirsanaa xisbigii xiligaas  talada dalka hayay ee KANU, oo waxaa ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii isaga ka horeyay ee Jomo Kenyatta, arrintaas oo u sahashay in uu saameyn ballaaran ku yeesho maamulkii xiligaasi jiray ee uu ka tirsanaa.

Maalmihii ugu horeeyay ee xukunkiisa, waxaa uu shacabka dalka Kenya ugu baaqi jiray in ay gacan ka siiyan sidii uu u dhisi lahaa dalka, oo waxaa uu caan ku ahaa hal ku dhigii caan baxay ee ”Nyayo”, oo uu marwalba doonayay in dalka lagu sii maamulo siyaasadihii Jomo Kenyatta oo ah aabaha dhalay Madaxweynaha iminka talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Goobjoog News