U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Galmudug oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaal Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku baaqay in in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedyo, kasoo cusboonaaday deegaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo sababay khasaare ka duwan, oo dhimasho iyo dhwaac isugu jiro.

Madaxweynaha qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa maamulka Galmudug iyo dhaqanka ugu baaqay in si dhaqso ah loo gaaro deegaannada lagu dagaalamay” Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan xal looga gaaro dagaalada kasoo cusboonaaday Xananbuure iyo Qalaanqal ee Gobolka Galgaduud, Madaxda sare ee Galmudug iyo Odayaasha dhaqan waxgaradka intaba waxaa ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan sidii uusan u daadan laheyn dhiig dambe. Waxaa nooga baxay dad muhiim ah waxa ay u dhimanayaa waa micno daro wax laga aamusi karana ma ahan waa in talaabo degdeg ah la qaado oo arinta la xaliyo.

Dagaalka beelahaan oo ka bilowday waabarigii maalinimadii shalay deeggaannada Xananbuure iyo Qalaanqalle ee hoos yimaado gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku geeriyootay ku dhowaad  15 qofood, halka ka badan 20 kalena dhaawacyo, waxaa degan goobtii lagu dagaalamay , waxaana gaaray ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee 21-aad.

Goobjoog News