U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Koofur Africa Oo Wajahaya Eedeymo La Xiriira Musuq

Sheeko:Dalka

Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Koofur Africa ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore Jacob Zuma in uu galay falal la xiriira Musuq.

Shawn Abrahams  oo shir jiraa’id qabtay, ayaa sheegay in eedeymaha la xiriira musuqa uu  ku kacay madaxweynaha in ay yihiin kuwo dhanka  hubka ah oo uu sameeyay sagaashamaadkii markaas oo uu ahaa Jacob Zuma madaxweyne ku xigeen.

Eedeymaha kale ee loo jeediynayo madaxweynaha waxaa ka mid ah in uu musuqay lacagta keydka qaranka, bartamihii bishii Febraayo ayey aheyd markii uu is casilay madaxweynaha Koofur Africa, ka dib markii uu caadis kala kulmay xisbigiisa oo ahaa midka talada waddanka hayey.

Goobjoog News