U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Masar Oo Laga Joojiyay Xukunka Dilka Ah

Sheeko:Caalamka

Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta joojisay xukun dil oo horay loogu xukmay madaxweyne Maxamed Mursi iyo hogaamiyeyaal badan oo ka tirsan Ikhwaanka.

Qadiyadda horey dilka loogu xukumay waxaa loo yaqaanaa “Baxsadkii Weynaa”, Mursi iyo  127 qof oo kale oo ka tirsan Ikhwaanka ayaa lagu eedeeyay in ay ka baxsadeen xabsiga kadib markii dalkaasi uu ka dhacay kacdoonkii January 25, 20111-kii, kaas oo lagu ridey madaxweyne Xusni Mubarak.

Maxamed Mursi ayaa iska dhigi doona dharka cas, waxaana lagu wadaa in dib loo soo bilaabo maxkamadda isaga iyo ragga qadiyadda ku jira, waxaa kaloo laga wareejiyay maxkamadda iyo qaadigii hoeay dilka ugu xukumay.

Goobjoog News