U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo Oo Maanta Booqanaya Hargeisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo  ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo  waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation.

Brenthurst Foundation  ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo   waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan.

Brenthurst Foundation waxaa ay isku sheegtay hey’ad ka shqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa ayna la shaqeyneysay dalalka Afrikaanka ilaa 2004-tii.

Goobjoog News