U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/raxmaan Faroole Oo Ka Digay In 2016 Lagu Laabto Nidaamka 4.5

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka digay in shacabka Soomaaliyeed mar kale wax loogu qeybiyo nidaamka awood qeybsiga beelaha ee loo yaqaan 4.5.

Waxa uu sheegay in nidaamkaasi uu yahay waxa dalka dib u dhigay, islamarkaana haatan ay haboon tahay in loo gudbo nidaamyo kale oo wax ku ool ah.

Faroole ayaa sheegay in hadii Dastuurka dalka u yaalla sida uu yahay loogu dhaqmo laga yaabo in la gaaro doorasho wanaagsan, islamarkaana aan Soomaalida kala qeybineen.

Talo ahaan ayuu soo jeediyay in wax loo doorto sidii ay u dhici jirtay doorashooyinka dalka, kahor dowladdii uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dooneyso in doorashada 2016-ka ay u dhacdo qaab 4.5 ah.

Soomaaliya ayaa nidaam qabiileedkaan wax badan adeegsanaysay, iyadoo dowladda hadda dhisan ee federaalka ah ay nidaamka 4.5 ku dhisan tahay.

Goobjoog News