U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Ku Geeriyoodey Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Jeneraal Maxamed Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa ku geeriyoodey dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo maalmahan dambe uu ku xanuunsanayey.

Ehlada Marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geeridiisa, waxaana ay sheegeen in maalmihii ugu dambeeysay uu xanuunkiisa sii kordhayey.

Cadde Muuse ayaa sanadkii 1937-kii ku dhashay magaalada Muqdisho, waxaana uu madaxweyne kasoo noqday maamulka Puntland.

Sidoo kale Cadde ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana tababaro uu kusoo qaatey qaar kamid ah dalalka caalamka.

Madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland ayaa tacsi ka direy geerida ku timid Allaha u naxariistee Maxamed Muuse Xirsi (Cadde Muuse)

Goobjoog News