U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Galmudug C/qeybdiid Oo Baaq Nabadeed u Diray Dhinacyadii Ku Dagaallamay Marka Iyo B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay beellaha ku dagaallamay magaalooyinka Marka iyo Baladweyne in ay nabadda qaataan, islaamarkaana aanay mar kale daadin dhiigooda.

Qeybdiid oo la hadlay Goobjoog News ayaa fariin nabadeed hawada u mariyey dhinacyadaan, waxaana uu ku baaqay cid walba ay kaalin ka qaadato xasilinta dhinayacdaasi dagaallamay.

Mar uu ka hadlay dagaalka Baladweyne ayuu yiri “Reer Baladweyne waxaan si gaar ah u leeyahay meeshaasi waxaa kusoo laab laabtay dhibaato is dil ah, in muddo ah ayeey timid tani, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada dagaallamay in nabadda ay qaataan, Baladweyne waa meeshii il baxnimada, aqoonta ahayd, madaxdii Soomaaliya ay in badan halkaasi ka yimaadeen, ninka Baladweyne kasoo jeeda waa meel uu ku faano, waxaa loo baahan yahay in nabadda aad qaadataan, joojisaan dagaallada”

Dhinaca kale Cabdi Qeybdiid ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaallamay magaalada Marka in iyaguna ay qaataan nabadda oo miiska wada hadalka wax walba ku dhameeyaan.

“Magaalada Marka wey wada deganaayeen dadku, waa dad wada shaqeysta waxaan iyagana ugu baaqi lahaa dagaalkaan intii la daayo, qorigaan la’iska tuuro si buuxdo haloo wada hadlo, nabadda ka shaqeeya, dadku wey dagaalli jireen hadane iyagaa tashan jiray” ayuu yiri Qeybdiid.

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in si dhab ah ay u wajahdo heshiisiinta beelaha ku dagaallamay magaalooyinka Baladweyne oo Hiiraan ah iyo Marka oo Shabellaha Hoose ah.

Goobjoog News