U bood dhigaalka

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh: Markii La ii Doortay 85% Dhulka Bartamaha iyo Koonfurta Calanka Buluugga Kama Taagneyn

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa hambalyo kadib waxaa uu sheegay iney wax weyn tahay in la xuso 66 sano guurada maalinta calanka isaga oo soo hadal qaaday waxa uu calanka uga dhigan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri ‘Aniga calanka waxaa uu ii leeyahay xusuus gaar ah, bishii September 2012 ayaa la ii doortay madaxweynaha jamhuuriyadda, maalintaas in ka badan 85% dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya calanka buluugga kama taagneyn, lamana ogoleyn in laga taago, calan madow oo ay leeyihiin kooxaha nabad diidka ah  ayaa meel walba ka babanayey , dadaal badan oo ay galeen  geesiyaasheena ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya iyo taladeenna iyo hoggaankeena suubanaa waxaa suurtogashay in dhulkaas laga bixiyo  gacanta cadawga, maantana laga taago calanka oo uu ka dulbabanayo”.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu soojeediyey in laga taago calanka guryaha, goobaha ganacsi iyo gaadiidka.

Goobjoog News