U bood dhigaalka

Madoobe oo DF Ku Eedeeyey Shaqo La’aan, Faragelin iyo Xadgudubyo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa madaarka magaalada kula hadlay warfidiyeenada waxaana kuu hadlay arrimo badan oo ay ku jirto doorashada 2020.

Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ah howshii looga baahnaa ay gabtay sida diyaarinta hanaanka doorasho iyo isku wadista systemka dowladeeed dalka waxaana uu yiri” Ayadoo aad moodo dowladda federaalka ah in ay gabtay shaqadii u taalay isku wadustii in ay ogaadaan wadanka ay maamulaan midka uu yahay waxaa uu u baahan yahay in la abuuro meeshii uu marayaayey isku wadistii ay meesha wax badan ay ka maqan tahay waxaan filayaa in waqtigeedii u soo dhamaaday”.

Sidoo kale Madaxweyne Madadoobe oo hadalkiisa siitato ayaa xusay in dadka iyo dadka Soomaaliyeed maanta ay u taalo wax ka weyn in siyaasad lagu mashaquulo lakiin ay u baahan tahay in la isku wado waxaana uu yiri” Soomaaliya maanta waxaa ay mashquul ku tahay siyaasad Maxan qabanaa? Yaa kan noqonaya, laakin baahida maanta wadanka taallo waa mid ka weyn waxa ay maanta dadku ku hadaaqayaan iyo waxa uu maanta siyaasiga Soomaaliga ah uu ku hadlayo, burburka, dhibaatada iyo kala maqnaashiyaha dowladda iyo dowlad gobaleedyada .”

Dhanka kale Madacweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyey dowkadda federaalka ah in ay ku tumaneyso dastuurka dalka u yaalla oo lagu heshiiyey isaga oo arrintaasi ka hadlaayo waxaa uu yiri” Dowladdana waan u sheegnay in dastuurka ay ilaaliso iyo waxa dadka u yaalo oo lagu wada dhaqmaayo, haddii qofka uu tiisa ilaalin waayo wixii kale ee dhibaato ah ee soo gaaro waad garan kartaa wixii ay asagana ay saameyn ku yeelan karto, shalay ayaa xadgudubyo la sameeyey wasiirbaa la xiray si aan munaasab aheyn, guddoomiyeyaal iyo ciidan baa la qaaday oo meelo kale ayaa la geeyey”,

Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam ayaa xusay in uu dowladda federaalka ah gobalka Gedo ay ka wado burburin dhanka amniga iy mid siyaasadeed waxana uu yiri ” Waxaan in badan uga wareegeynay gobalka Gedo inaan u yaro kaadino ilaa maanta ciidamadii Shababka la dagaalamaayey iyo hubkii State ka uu lahaa oo in badan oo ka mid ah ay Shabab gacanta u galeen, kuwa ay ku uruurinayaan Baardheere oo ay leeyihiin ciidan ayaa la dhisayaa ayey Shabaab soo sawirayaan oo ay ka heleen xoogag cusub oo u soo kordhay waa burbur amni waa burbur siyaasadeed.”

Goobjoog News