U bood dhigaalka

Madoobe oo La Kulmay Hey’adaha Amniga

Sheeko:Amniga

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah.

kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan ayaa

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka waxa uu laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.