U bood dhigaalka

Madoobe oo Magacaabay Ku Xigeennadiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam  ayaa maanta waxaa uu magacaabay labadiisa ku-xigeen, ayadoo maalmahaan ay ka socotay magaalada Kismaayo la tashiyada ku aadan  arritaan iyo cidda loo magacaabi doono.

Madaxweynaha ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada waxaa uu ku magacaabay labada Madaxweyne ku-xeen ee dowlad gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo la shaqeyn doona Madaxweynaha afarta sano ee soo aadan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu magacaabista labadiisa ku-xigeen uu kala tashtay guddoonka golaha shari dajinta Jubbaland, sida qoraalka lagu sheegay Maxamuud Sayid Aadan ayaa mar kale ku soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad,Halka Cabduqaadir Xaaji Maxamuud oo loo yaqaanno luga dheere loo magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee dowlad gobaleedka Jubbaland.

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka

No photo description available.

Goobjoog News