U bood dhigaalka

Madoobe: Xilligii La Ogaaday in aan Tageyno Ayaa La Xiray Shirka Dhuusamareeb 3

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jubbaland oo warbixin siinayey aqalka sare ee baarlamaanka federaalak ah ayaa sheegay in ay isaga iyo Saciid Deni, madaxweynaha Puntland damacsanaayeen tagista shirkii Dhuusamareeb 3 balse la xiray markii la ogaaday iney tagayaan.

“Iyada oo aan cudurdaaradii weli la iska qancinin, waxyaabo kalana iska jiraan aya shirkii  Dhuusamareeb la isugu tagay, madaxweynha iclaamiyey, ma aaney noqon in aan tago, asbaabo la wada ogyahay oo jira, Saciidna ma tagin, markii dambe waxaan qaadanay in aan tagno, xiligii la ogaaday in ana tageynana waa tii  shirka la xiray”.

Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale ka hadlay in madaxweynaha ay u soo jeediyeen in shirka laga galayo arrimaha doorashada ee Xamar loogu yeelo madaxda maamul goboleedyada, la heshiisiiyo labada aqal, madaxweyneyaashii hore, axsaab ururada siyaasadda, isaga oo intaa raaciyey in aan jirin cid cid ka maaranto.

“Ceeb ma aha in aan muddo joogto, Xamar waa taan kusoo koray, joogisteeda aad ayaan ugu faraxsanahay, madaxweynaha yaan la xaman, maamul goboleedyada yaan la xaman, innaga oo is fadhinno, oo aan la is xamaeyn aan wax gaarno”.

Goobjoog News