U bood dhigaalka

MADXAF AY LEEYIHIIN SOOMAALIDA CANADA OO LA FURAYO.

Sheeko:Dalka

Koox ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa qorsheyneysa inay ka hirgeliso dalkaas Madxaf lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton.

Qaban-qaabiyaasha iyo muwaaddiniinta asalkoodu yahay Soomaalida ee arrintaan isku xilqaamay ayaa rajeynaya in Madxafku uu gacan ka geysan doono in la baro dadka Soomaaliyeed ee jooga magaalada Edmonton dhaqankooda gaar ahaan dhallinyarada magaaladaas ku sugan ee aan waligood arkin Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha ayaa aaminsan in Madxafkaan oo ah kii ugu horreeyey oo Soomaali ka hirgeliso dalka Canada uu wax badan ka qaban-doono dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaaliyeed.

“Xaqiiqdu waxay tahay inaan ogoonno cidda aan nahay, Waxa aan haysan jirnnay iyo waxa innaga lumay,” Sidaana waxaa tiri agaasime Naciima Hayle.”

Madxafku ma laha taariikh la furayo laakiin madaxa dhaqanka bulshada Jibril Ibrahim ayaa sheegay inay rajeynayaan qabashada daahfurka Madxafka xilliga xagaaga. Waxaa xaruntiisa laga dhigi doonaa dhismaha Bosco Foundation ee deegaanka Balwin halkaasoo bulshada Soomaaliyeed ay xarun ku leedahay.

“Waxaan dooneynaa ineynaan u isticmaalin meeshaan oo kaliya dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Alberta laakiin sidoo kale waxaa jira carruur badan oo ku dhashay Alberta kuna barbaaray halkaan kuwaasoo aan waxba ka ogeyn taariikhda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ibrahim. Haddii aadan aqoon meeshii aad ka timid ma taqaanid meesha aad u socoto.”

Dadka Soomaaliyeed ee dalka Canada ku sugan waxay leeyihiin taariikh iyadoo badankood ay dalkaas ku yimaadeen qaxootinnimo kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991dii, tiro dad Soomaaliyeed ah ayaa Canada yimid sannadihii 1960 iyo 1970 iyagoo ah arday ay soo dirtay dowladdii Soomaaliyeed.