U bood dhigaalka

Magaalada Baydhabo oo Ammaankeeda Siweyn Loo Adkeeyay iyo Howlgallo Socda

Sheeko:Amniga

Waxaa siweyn u adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar uh maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, howlgalkaan ayaa waxaa uu yahay mid lagu xaqiijinaayo amniga magaalada, oo maalmihii ugu dambeeyay ciidanku ay ka wadeen howlgallo kale duwan.

Magaalada ayaa wixii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulkaas Lugogaab, ayaa waxaa ciidanku ay kordhiyeen howlgallada amniga lagu sugayo, iyadoo ciidamo badan lasoo dhigay gudaha magaalada iyo koontaroollada laga soo galo iyo kuwa looga baxo magaalada Baydhabo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehliyaan gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullahi Cali Watiin iyo sarakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa kormeer ku tagey rugaha Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Xafadaha iyo Duleedka Magaalada Baydhabo.
Kormeerka oo ay eheed ukuur galida Amniga Magaalada Baydhabo, wuxuna Wasiirka intii kormeerka ku jirey rugaha Saraakiisha Ciidanka Amaanka ka xogwareysanayey sida ay u sugeyaan ammaanka, wuxuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan Sugida Amaanka Magaalada Baydhabo.
Goobjoog News