U bood dhigaalka

Magaalada Boorama Oo Laga Hirgaliyay Suuq Cusub Oo Lagu Iibin Doono Kalluunka

Sheeko:War

Magaalada Boorama ayaa waxaa laga hirgelinayaa Suuq cusub oo lagu iibin doono Kalluunka iyadoo wasiirka Kalluumaysiga Soomaalilaand Cali Jaamac Bureed ayaa dhagax dhigay suuqaan cusub oo loogu tala galay in lagu iibiyo qeyraadka badda.

Suuqaan ayaa waxaa laga furay Magaalada Boorama isagoo xusay Wasiirka inay tahay fursad muhiim ah in laga hirgaliyo Boorama Suuq u gaar ah Kalluunka “Waxaan rabnaa inaan halkaan ka hirgasho Suuq kallumeysi annaga halkaa ayaan doonaynay inaan ka hirgelinno suuq cusub oo kallunka u gaar ah halkaan oo kale waaye meeshii qofkii suuqa ka adeegana uu wax walba ka helaayay waaye”

Agaasimaha Wasaaradda Kallumaysiga maamulka Soomaliland oo ka hadlay munasabadda daahfurka suuqa cusub ayaa waxa uu sheegay inuu suuqaan uu noqon doono midka ugu Soomaliland oo lagu keydiyo Kallunka .

Suuqaan ayaa waxaa dhisaya Hay’adda lagu magacaabo Fair Fisheing waxaana dhaqaalaha lagu maalgalinaayo bixinaya Ururka Midowga Yurub .

Wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka reer Boorama inay ilaashadaan suuqaan isagoo ku booriyay inay dadka cunaan waxay soo saarto badda.
Waa markii ugu horreysay oo laga furo Suuq ugaar ah Kalluunka magaalada Boorama oo uu ka arrimiyo maamulka Soomaliland suuqaan ayaa ka qeyb qaadan doono horumarka ganacsi ee magaalada Boorama.