U bood dhigaalka

Magaalada B/weyne Oo Maanta Deggan

Sheeko:Dalka

Xaalad deganaansho ah ayaa maanta oo Jimco ah waxaa laga soo sheegayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulnaa.

Ciidamada AMISOM oo isugu jira Itoobiyaan iyo Jabuuti ayaa si awood ah shalay ku kala dhexgalay Maleeshiyaadkii dagaallamayey Seddaxdii Maalin ee lasoo dhaafay.

Waxaa Maleeshiyaadkaan la sheegay in laga kala qaaday dhufeysyadii ay ku dagaallamayeen inkastoo weli waan waanta ay socoto.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada B/weyne ayaa wada dadaal lagu doonayo in lagu dhameeyo guud ahaan colaadda ka jirtay xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi.

Seddax maalin oo xiriir ah waxaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne ka soconayey dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaadkan, waxaana dagaalkaasi uu noqday mid soo laab laabta.

Goobjoog News