U bood dhigaalka

Magaalada Gaalkacyo Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Shir Lagu Xalinayay Dagaalo Ka Dhacay Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GaalkacyoMagaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir balaaran oo la doonayay in lagu xaliyo dagaalo dhawaan ka dhacay deegaano badan oo ka mid ah gobalka Mudug.

Nabadoon Maxamuud Guure oo ka mid ah waxgaradkii shirkaan ka qeyb galay ayaa sheegay in shirkaan wejigiisa Koowaad lagu qabtay deegaanka Bandiiradley ee gobalka Mudug, wejigii ugu dambeeyayna loo soo wareejiyay magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in muhiimadda shirkaan looga hadlayay sidii loo dhameen lahaa dagaalo dhacay, in dadka ay wada noolaadaan, ay wadaagan daaqsinka iyo sidoo kale wada deganaanshiyaha.

Nabadoonka ayaa sheegay in kaliya aan la xalinayn dagaaladii dhawaan dhacay hase ahaatee sidoo kale beelaha oo dhan ay iska cafinaayeen wax walba oo wada dhexmaray, dadkana la barayay in nabadda ay bulshada muhiim u tahay.

Deegaano badan oo ka mid ah gobalka Mudug waxaa horay uga dhacay dagaalo salka ku hayay aano qabiil, hase ahaatee xilligaan waxaa muuqanaya in waxgaradka gobalkaasi ay u istaageen in laga gudbo dagaalada ku saleysan hab qabiilka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Nabadoonka.

 Goobjoog News