U bood dhigaalka

Magaalada Hargeisa Oo Laga Furay Xarun Lagu Soo Bandhigo Hidaha Iyo Dhaqanka Laguna Baranayo Farshaxanka

Sheeko:War

Magaalada Hargeisa ee caasimadda maamulka Soomaaliland ayaa waxaa laga hirgaliyay xarun cusub oo lagu baran doono dhaqanka iyo farshaxanka.

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka iyo farshaxanka ee magaalada Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac ayaa Goobjoog News waxaa uu uga warbixiyay ujeedada loo aas-aasay xaruntaan“Xarunta jiritaankeedu iyo waxay qabato way kala kala weynyihiin ,xarunta waxay ka soo jeedaa bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeisa oo sanadkaan toban sano jirsatay “ .

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in mabda’iisa uu gaaray meelo fogfog oo ka mid ah dhulka Soomaaliya,isla markaasna uusan ku koobneyn magaalada Hargeysa oo kaliya  “Marbey ila bilaabatay firkirka oo dhan in gobollada oo dhan laga sameeyo, kooxaha la yiraahdo Naadiyaha aqriska marka barnaamijku si wakiilnimo ah ayuu is kaga sameysmay”.

Xaruntaan ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa farshaxanka ay sameeyaan dhallinyarada ku dhaqan magaalada Hargeisa, horeyna ugama jirin magaaladaan meel lagu soo bandhigo farshaxanka.

Goobjoog News