U bood dhigaalka

Magaalada Hargeysa oo Lagu Daahfuray Barnaamij Cusub oo la Magac Baxay Ardaa

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa waxa lagu daahfuray barnaamij lagu magacaabo Ardaa  oo ah aragti cusub oo la doonayo in lagu xoojiyo kaalinta haweenku ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha , waana kulan weyne oo ay iskugu imanayaan ganacsato ka socota mandiqadda bariga Afrika.

Barnaamijkan oo hal maalin ka soconaya Hargeysa  una gudbaaya Garoowe  waxyaabaha diirada lagu saarayo waxa ka mid ah;

-Aqoonsiga kaalinta haweenku kasoo qaateen horumarinta ganacsiga iyo dowrkooda dib u dhiska magaalooyinka .

-Midaynta xiriirka ka dhexeeya haweenka ganacsatada Soomaalida.

-Inay haweenku is weydaarsadaan xogaha horumarin  ganacsiga .

-Inay is dareensiiyaan kaaalinta horumarka ay ilaa hadda haweenku ka gaareen ganacsiga.

Shirkan  oo ay soo qaban qaabisay shirkadda  Asal Consulting  waxa ka soo qaybgalay ganacsato ay horkacayso Dr Amina Xirsi Mooge oo ah haweenay  Soomaaliyeed oo maalqabeen ka ah bariga afrika fadhigeeduna yahay Uganda.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Baandare Ismaaciil iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil ayaa kulankan haween ahaan ugu matalaayey Somaliland, waxaana ka hadleen kaalinta looga baahanyahay inay haweenku ka qaataan horumarinta ganacsiga.

Barnaamijkani ayaa ahaa  hal maalin oo qura, iyadoo kulanka kan xiga lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaas oo isna ay haweenku iskugu imandoonaan.

cccccc ccccccwww eeee rrrr rrrrrrreee rrrrrrwwww