U bood dhigaalka

Magaalada Hobyo oo uu Bacaad Duugey (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Hobyo waa magaalo qadiimi ah oo jirtey wax ka badan qarniyo, kana mid ah meelihii ugu horeeyey ee magaaloobey, waxaadna qiyaasi kartaa in in waxyaabo badan oo halkaasi yaala ay duugoobeen amaba duugmeen.

Hase yeeshee Hobyo waxaa heysta caqabad ka weyn waayeelnimo, waxaa fara badan ku haya bacaad kusoo rogmey magaalada, kaasi oo duuqey qeyb dhan oo magaalada ka mid ah, gaar ahaan qeybtii qadiimiga ahayd ee uu ka furnaan jirey suuqii ay magaalada ku bilaabatay sida uu sharaxayo Maxamed Axmed Siyaad oo mar duq magaalo ka ahaan jirey Hobyo

“xiligii aan aniga mas’uulka ka ahaa magaaladan bacaad kama uusan jirin, bacaadka wuxuu yimid xili dambe, wuxuuna duugey qeybtii qadiimiga ee magaalada” ayuu yiri

Waxa uu xitaa bacaadka duugey meelo taariikhi ah, xarumo dowladeed , ceelal iyo waliba dhirtii ay magaalada lahaan jirtey.

Waxaa dhibaatada uu bacaadka ku hayo Hobyo sharaxaya Cabdirisaaq Maxamed Ducaale oo Codweyne ku magac dheer oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Hobyo

“markii hore waxaa jirtey wakaaladda dhirta iyo daakha oo xirmeyn jirtey dhulka, kuna beeri jirtey dhir bacaad celin loogu talogalay, laakiin dad ayaa fujistey meelihii bacaad celinta loogu talogalay oo kale, magaalada waxa ay u baahantahay bacaadcelintii Shalaanbood oo kale” ayuu yiri codweyne

Marka aad maraysid meelaha qaar ee magaalada waxaa kuu xabaalmaya addimaha, waxaadna arkaysaa guryo ay inyar kasoo jeedo oo uu bacaadka duugey, waxaa sidoo kale adag in aad aragtid raadadkii taariikhda ee magaalada, mana jiro wax qorshe ah oo bacaad celin loogu samaynayo magaalada.

Hase yeeshee geedka loo yaqaano geed yuhuudka oo aad oga baxay magaalada ayay dadka ii sheegeen in uu ka qeyb qaatay celinta bacaadka, tan iyo intii uu magaalada ka baxayna uu bacaadkii hoos u dhacay faafistiisa.

Cali Nuur Ceyn

Goobjoog FM

Cadaado

10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 24 25 26 27